Xildh: “Farmaajo wuxuu u safrayaa Addis Ababa ama Asmara dhawaan”

Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaaday Farmajo ayaa dhawaan u safri doona midkkood magaalooyinka Addis ababa iyo Asmara, si uu u soo qaato talooyinka la xariira boobka doorashada ee ay siinayaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Warar Keydmedia Online
Xildh: “Farmaajo wuxuu u safrayaa Addis Ababa ama Asmara dhawaan”

MUQDISHO, Soomaliya - Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ka tirsan Baarlamaankii 10aad ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in Maxamed Mursal uu u afkiisa uga sheegay inuu doonayo in waqtiga uu u kordhiyo hay’adaha Dowladda isla markaana uu ciidamo fara badan soo dhoobi doono xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdullahi wuxuu la yaab ku tilmaamay in Maxamed Mursal uu maanta u adeegayo Farmaajo oo biyaha iyo korantada ka jartay dabayaaqadii 2018, loona  adeegsanayo xildhibaanadii isaga difaacayay xilligaas.

Wuxuu sheegay in Maxamaed Mursal uu u baahan yahay in Maskax ahaan loo xoreeyo, oo laga saaro gunfulka siyaasadeed ee maskaxda looga xiray.

Wuxuu xaqiijiyay in ay birri tagi doonaan Xarunta Baarlamaanka wixii amni darro ah ee soo gaaara ayuu sheegay inuu masuuliyaddeeda qaadan doono Maxamed Mursal.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdullahi, wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu Xarunta Golaha u soo diray Shabaab dadkii ay dileen meydkooda uu wali qoyan yahay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in dhawaan Farmaajo u safri doono midkood dalalka Itoobiya iyo Eletereeya, oo ah xarumaha uu talada ka qaato. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.