“Colaadda, cudurka, abaarta iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri "Colaadda, cudurka, abaarta, gaajada, qaxa iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa dowlad danta guud ka shaqeysa

Warar Keydmedia Online
“Colaadda, cudurka, abaarta iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame ayaa isagoo tilmaamaya waxa looga bixi karto Colaadaha, cudurrada, abaaraha, gaajada, qaraxyada iyo amni darrida waxa uu yiri "Colaadda, cudurka, abaarta, gaajada, qaxa iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa; waa dowlad danta guud ka shaqeysa oo dadka baahiyahaas ka haqabtirta. Is la dhiso dowlad la aamino oo aan laga shaki qabin, dowlad la wada leeyahay oo aysan qolo ama koox gooni ah laheyn, dowlad ciidankeeda la ixtiraamo ee aan laga cabsan, dowlad danta guud ka shaqeysa ee dan gaar ah ku maqneyn"

Hoggaamiye CC Warsame ayaa ku baaqay dib-u-heshiisiin si loo gaaro guul waxa uuna yiri "Si dowladdaas loo dhiso waxaa muhiim ah in la helo dib u heshiisiin siyaasadeed oo kalsoonida iyo is aaminadda lagu dhiso".

"Haddaba in afartii sano mar la qabto doorasho la isla oggolyahay oo si nabad ah ku dhacda waxey qeyb ka aheyd dib u heshiinta siyaasadeed ee dalka. Rajiimka muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu abuuray jawi cakiran oo keenay kala aamin bax iyo kalsoonida darridii oo badatay" ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 December 2021 7:34

Nabaddoon Cali Jeesto, ayaa sheegay in xitaa loo diiday inuu u safro Dhuusamareeb, lana hor istaagay socdaalkiisa xilli uu doonayay inuu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.