COVID-19 oo faro ba’an ku haya Soomaaliya

Tirada dadka uu ku dhacay Caabuqa COVID19 ayaa sii kordheysa xilli sida la rumeysan yahay oo kusoo laba kacleeyay dalal badan oo caalamka kamida.

Warar Keydmedia Online
COVID-19 oo faro ba’an ku haya Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inuu sii kordhay tirada kiisaska laga helay caabuqa Covid-19 ]

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in maanta guud ahaan Cudurka laga helay 229 ruux oo ku sugan dalka Soomaaliya, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Maanta oo ah 22-ka Febaraayo 2021:

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,476

  • Laga Helay: 229
  • Banadir: 117
  • Puntland:63
  • Somaliland:46
  • Southwest: 2
  • Jubaland: 1
     
  • Lab: 137
  • Dhedig: 92
  • Dhimasho: 6
  • Bogsashada: 14
  • Tirada Guud ee Laga Helay: 6,246
  • Bogsashada Guud: 3,778
  • Dhimashada Guud: 208

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.