Cumar Filish miyuu Iloobay Malaayiintii uu Matalaayey?

Sidii ay shacabka Muqdisho ka filayeen ma aanu noqon Cumar Filish.

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish miyuu Iloobay Malaayiintii uu Matalaayey?

Magaalada Muqdisho waxaa 17-kii bishan lagu soo gabagabeeyay shirka dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyad. Shirkan ayaa socday maalmo badan, balse ugu dambeyn waxaa laga heshiiyey arrimaha doorashooyinka iyo nidaamkii loo mari lahaa.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo aad u tabaya iney ka maqan tahay matalaaddoodii, ayaa waxay rajeynayeen in Cumar Filish oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir uu soo xaqiijin doono kuraastooda.

Gabi ahaanba waxaa shirkaasi aan lagu soo qaadin matalaaddii reer Muqdisho ay u dhego taagayeen.

Nuur Ibraahim Carabow oo ka mid ah waxgaradka ku nool Muqdisho ayaa ku sifeeyey Cumar Filish shaqsi goobta un madaxa geeyey laguna badinayey tirada madaxdii halkaasi tagtay.

"Cumar Filish markii horeba lagama fileyn in Afar Milyan oo Xamar ku nool wax u keeno, wuxuu ahaa shaqsi tiisa eeganaayey"

Guddoomiye Cumar Filish oo lagu xanto inuu aad ugu dhow yahay Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyey ridistii Xasan Cali Kheyre joojiyey ka hadalka maqaamka Muqdisho.

Muqdisho ayaa loo ogolaaday Sideed kursi oo laga siiyo aqalka sarem walow ay weli tabanayaan shacabka gobolka Banaadir.

Inkastoo Muqdiso ay tahay caasimadda dalka, hadana waxay dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda qabaan in magaaladan tahay mid si adag looga geysto gabood fallo, haba ugu badnaatee dowladda federaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.