Cumar Filish: Musharixiinta meeshii lagu arko halagu dilo

Duqa Muqdisho waxaa u jawaabey Xildhibaan Mahad Salaad oo kula taliyay inuu iska dhigo qoriga dabka ee ay usoo dhiibeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, si uusan isaga ugu guban.

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish: Musharixiinta meeshii lagu arko halagu dilo

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ugu hanjabey Musharixiinta Mucaaradka in la dili doono hadii ay isku dayaan inay qalalaase amni ka abuuraan magaaladda, isagoo difaacaya Farmaajo.

Wuxuu soo daliishaday aayado ku jira Suuratul Axzaab, oo ku baneysanayo dilka siyaasiyiinta ka fekerka duwan Farmaajo, ee kasoo horjeestay qaabka loo maamulayo doorashadda dalka kadib markii ay shir socday 6 maalmood Muqdisho ku yeesheen.

Hadalkan wuxuu ka sheegay Shirka Wadatashiga Beesha Hawiye oo maalmahan ka socday Muqdisho, kaasoo isaga iyo Siyaasiyiin kale oo guul-wade u ah Villa Soomaaliya ay ka jeediyeen khudbado.

Duqa Muqdisho ayaa ku hadlay hadalka Al-Shabaab, oo ku baneysta dhiiga shacabka aayadaha qur'aanka, waxaana dhawaqa kasoo yeeray lagu micneeyay kicin colaadeed iyo difaacidda Madaxweyne Farmaajo, oo uu daacad u yahay.

"Cumarow qoriga dabka ah, ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig, adiga haku guban," ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad, oo u jawaabayay gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Wuxuu kaloo u sheegay Cumar Filish inuu meel iska dhigo dilka Musharixiinta Mucaaradka, oo iska bixiyo lacagta Korontada xarunta gobolka Banaadir, oo mudo Isbuuc kahor laga jartay, kadib markii xisaabaadka lagu leeyahay dhiibi waayay Maamulka.

Dhanka kale, Keydmedia Online ayaa ogaatey in Farmaajo uu ku amray Cumar Filish inuu abaabulo dibadbaxyo ka dhan ah Musharixiinta Mucaaradka, kadib markii ay Maanta soo saareen war-murtiyeed ay ku sheegeen inay qaban doonaan doorasho, hadii aan la bedelin gudiyadda doorashooyinka aan dhex dhexaadka ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].