Cumar Filish oo shaqadii ka joojiyay Waaxda dhulka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Cumar Filish ayaa shaqadii ka joojiyay waaxda dhulka ee Goloblka Benaadir, kaddib cabasho iyo dhaliillo ka yimid shacabka ku dhaqan Gobolka.

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish oo shaqadii ka joojiyay Waaxda dhulka

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka maamulka Gobolka Benaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbahinta u akhrinayay waregto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in waaxda dhulalka ay cabasho iyo dhaliilo kala duwan kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidaasi darteedna shaqadii looga joojiyay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Guddoomiye Cumar Filish uu Guddi baaritaan u saari doono cabashooyinka ay soo gudbiyeen dadweynaha iyo wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan habka ay usocoto shaqada dhulka ee gobolka Benaadir.

Xafiisyada dowladda ayaa intooda badan waxaa lagu eedeeyaa inuu ka jiro musuq-maasuq aan cidina wax ka qaban, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya tirada musuqa xafiisyada gobolka iyo guud ahaan kuwa dowladda Soomaaliya.

Shaqa joojinta lagu sameeyay waaxda ayaa la filayaa in guddiga baaritaanka loo diray ay war cad kasoo saaraan eedeymaha la xiriira shaqo xumida iyo dhaliisha shacabka loogu adeego gobolka Benaadir ay soo gudbiyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.