Cumar Finish cashir maka baran karaa Maayarka Hargeysa?

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa Duqa Gobolka Banaadir ugu baaqaya inuu cashir ka barto Maayarka Hargaysa, isla-markaana wax ka badalo nadaad xumada ku habsatay Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Cumar Finish cashir maka baran karaa Maayarka Hargeysa?

MUQDISHO, Soomaaliya - Maayarka cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo maalmo ka hor loo doortay xilka, ayaa billaabay olole dib loogu soo celinayo muuqaalka nadaafadeed ee caasimadda, wuxuu horkacay boqolaal ruux oo saaka xilli hore ka howl-galay dooxa Hargaysa oo aan tan iyo burburkii dayactir lagu samayn.

Mooge, wuxuu bulshada magaalada ugu yeeray olole iskaa wax u qabso ah, wuxuuna madaxda shirkadaha waaweyn, culumada, dhaliinyarada, iyo guud ahaan dadka maacaga leh ka codsaday in ka qeyb qaataan wacyi galinta bulshada, si qashinka looga qaado Hargeysa.

Saacado yar ayaa lagu nadiifiyay Dooxa Hargaysa oo saaka yoolku saarnaa, waxaana bulshada kula haday shaqsiyaad caan ah oo uu ka mid yahay Sheekh Dirir, oo dadka ku boorriyay is-xilqaanka.

Haddaba miyaysan ahayn in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxameed ‘Finish’, uu cashir ka barto Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge?

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa u muuqada kuwo aan dan ka lahayn nadaafad-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, taas oo sababi karta cudurro iyo caafimaad darro hor leh oo ku habsada dadka danyarta u badan ee ku dhaqan Caasimadda.

Duqa Muqdisho iyo guud ahaan Guddoomiyayaasha degamooyinka Gobolka Banaadir, ayaa indhaha ka daawanaya, qashinka daadsan waddooyinka, dhiiqada iyo biyaha meel kasta yaala ee roobabku sababeen, kuwaas oo ay caan ku noqotay caasimaddu.

Tan iyo markii la magacaabay Cumar Finish, ma jiro olole nadaafadeed, oo uu qaaday, waxaana la musuqaa miisaaniyaddi loogu talagalay nadaafadda magaalada, taas oo sababtay in ay xirmaan guud ahaan dhuumihii qashinka.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in  Cumar Finish, looga baahan yahay  inuu maro waddada uu qaaday maayarka dhawaan-galka ah ee Hargaysa, waxna ka qabto nadaafad darradaa ka jirta magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.