CXD oo isaga soo baxay degaanada Sina-dhaqo iyo labi-dule

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtooda 21 -aad ayaa isaga soo baxay degaanno ay dhawaan qabsadeen kuwaasoo ka tirsan dhulka ay maamusho dowlad goboleedka Galmudug

Warar Keydmedia Online
CXD oo isaga soo baxay degaanada Sina-dhaqo iyo labi-dule

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada millatariga Soomaaliya gaar ahaan qaybta 21 -aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kumaandoosta sida gaar ah u tababaran ee Gorgor ayaa dib uga soo baxay degaannadii ay dhawaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab ee Sina-dhaqo iyo Labi-dule ee koofurta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada kasoo baxay degaannadaasi ayaa saldhigyo cusub ka samaystay degaanka Ceeldheere oo u dhexeeya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel iyo garoonka diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb.

Ciidamada kasoo baxay furimaha ayaan la ogeyn balse warar hoose oo ay heshay Keydmedia Online ayaa waxay sheegayaan in Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage uu bixiyay amarka, iyadoo lagu cadaadinayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor oo ka dhago-adeegay inuu taageero u muujiyo muddo kordhinta labada sano ah ee loo sameeeyay Farmaajo.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kasoo baxay sidoo kale degaanka Bacaad weyn oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaasoo ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab, waxayna u muuqataa in cadaadis xoog leh lagu saarayo Qoorqoor inuu u hoggaansamo awaamiirta Villa Somalia, haddii kale qal-qal la galinayo ammaanka degaannada Galmudug.

Laba maalin kahor ayey ahayd markii heshiis iskaashi dhinaca amniga ah ay wada gaareen Galmudug iyo Puntland, heshiiskaasi waxaa la isku raacay in ciidamda dowlad goboleedka Puntland ay qeyb ka noqon doonaan weerarrada xoreynta degaanada ay Al-Shabaab haystaan kuwaasoo ay kasoo baxeen ciidamda laga maamulo Villa Somalia ee 21 -aad iyo kuwa Gorgor.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.