Daawo Warbixin: Qaraxii ka dhacay Hotel Makka Al-mukarama - Muuqaal CCTV

Muqdisho (KON) - Warbaahinta Qaranka ayaa Warbixin ka diyaarisay Qaabkii uu u dhacay Qaraxii ka dhacay Bishii November ee Sanadkii 2013 Hotel Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho iyo Nimanka fuliyay.
Warar Keydmedia Online
Daawo Warbixin: Qaraxii ka dhacay Hotel Makka Al-mukarama - Muuqaal CCTV

Warbixintaan ayaa wadata Muuqaal lagu duubay Kaamirooyinka Qarsoon ee Hotelka (CCTV) waxaana Muuqaalka looga jeedaa Raggii fuliyay Qaraxa iyo Qaabka ay usoo galeen Hotelka.

Sidoo kale Wariyaha ayaa wareysanaya Wiilka isqarxin lahaa oo sheegay in uu ka yimid Waqoojiga Dalka.

Wiilkaan ayaa waxey Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay Xukun dil ah, kadib markii ay ku cadaatey in uu maleegayey shirqool uu shacabka ku gumaadi rabay Qarax Laptop uu ku soo xerey

Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay dagaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa waxaa la weeraray Bishii November ee Sanadkii lasoo dhaafay, halkaso ay kiu Nafwaayeen 18 Qof.

Dadka ku nafwaayay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa sii Hayaha Safaarada Soomaaliya ee UK, Marxuum Cabdulqaadir Aadan "Dhuub".

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

Keydmedia Online - Muqdisho