Dabageed oo beeshiisa ku qasbaya aqbalidda Guudlaawe

Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo la rumeysan yahay inuu ku daaban yahay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa fariin adag u diray beesha uu ka soo jeedo ee deggan Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Dabageed oo beeshiisa ku qasbaya aqbalidda Guudlaawe

BALADWEYNE, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa  sheegay in  Madaxwaynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo loo diido imaashaha Beledwayne ay keenayso in aan doorasho lagu qaban xarunta gobolka Hiiraan.

Dabageed ayaa xusay in reer Hiiraan ay doonayaan in doorashada Xildhibaanada Fedraalka  qaybta ay ku leeyihiin lagu qabto Beledwayne, sidoo kalena ay rabaan in Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle uusan imaan magaalada, taas oo uu ku tilmaamay laba arrin oo aan is qaban.

“Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado dBeledweyne, haddii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, haddana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri Dabageed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in waddada kaliya ee Beledwayne doorasho uga dhici karto ay tahay nin Cali Guudlaawe uu tago magaalada, ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta u socdaalin, si uu u arko goobaha ay doorashadu ka dhacayso.

Beesha uu ka soo jeedo Madaxwayna ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, ayaa si wayn uga soo horjeedda Maamulka uu madaxwaynaha ka yahay Cali Guudlaawe, taas baddelkeenada waxa ay taageero u fidiyeen Jamhadda uu hoggaamiyo Janaral Xuud.

Farmaajo ayaa bedelay nidaamka awood qeybsiga HirShabeelle, isagoo ka leh ujeeddo doorasho, wuxuuna ka dhigay Madaxweynaha mid isaga taageersan oo kuraasta Xildhibaanada Federaalka u boobi kara.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.