Dad ku dhintay Gaari lagu rasaaseeyay Galgaduud

Dhaxdadan ayaa kusoo beegmaysa xili xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood maal mahaan ka taagnayd degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Dad ku dhintay Gaari lagu rasaaseeyay Galgaduud

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Hal qof ayaa dhintay, labo kalena way dhaawacmeen kadib markii dabely hubeysan ay rasaas ku fureen gaari rakaab oo marayay degaan lagu magacaabo Xananbuure, ee gobolka Galgaduud.

Gaarigii soo qaadey dhaawacyadda weerarka hore ayaa isna loo galay jidka xili uu kusii jeeday magaaladda Cadaado, waxaana ku dhintay rasaastii lagu furey hal qof oo kale, iyadoo uu ku dhaawacmay darawalka.

Dhacdooyinka ayaa kusoo beegmaya xili xiisad dagaal oo u dhaxaysa labo beelood ay ka taagan tahay degaanka Xananbuure iyo tuulooyinka ku dhaw, waxaana jirin cid ukala dabqaadeysa dhinacyada ama Maamul soo farageliyay.

Saraakiisha Galmudug wali kama aysan hadlin xiisadda taagan iyo dadka shacabka ah ee lagu dilay Xananbuure.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.