Dad abaar ugu dhintay Sh.dhexe

Sh.dhexe(keydmedia) Wararka laga helayo deegaano hoostaga gobalka Sh.dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay dad Soomaaliyeed abaar ugu dhinteen kadib markii deegaanadaasi abaar xoog leh ay ka dilaacday.
Warar Keydmedia Online
Dad abaar ugu dhintay Sh.dhexe

Deegaanka Godgal oo hoostaga degmada Aadan –yabaal ee gobalka Sh.dhexe ayaa waxaa la xaqiijiyay in 5 ruux oo ka mid ah dadkii deegaankaasi ku noolaa ay haraad iyo gaajo halkaasi ugu geeriyoodeen kadib markii ay waayeen wax taakuleeya.

Gooba fara badan oo ka tirsan dalka ayaa waxaa iminka ka jira abaaro baahsan iyadoona hey’ado sheeganaya samafal ay joogaan dalka isla markaana ay qarashaad badan ku soo urursadaan taageerada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Kooxaha mucaaradka ee dowladda ka soo horjeeda ayaa iyana dhankooda cunaqabateen uga soo rogay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay iyagu ka taliyaan.

www.keydmedia.net