Dad lagu tuhmay inay yihiin Alshabaab oo lagu Qabtay Garoonka Diyaradaha ee Frankfurt

Frankafurt (KON) – Saddex Dhalinyaro ah oo haysta Dhalashadda Dalka Jarmalka ayaa lagu Qabtay laguna xirey Garoonka Magaalada Frankfurt waxayna Dhalinyadaan sida la sheegay ka soo laabteen Afrikada Bari.
Warar Keydmedia Online
Dad lagu tuhmay inay yihiin Alshabaab oo lagu Qabtay Garoonka Diyaradaha ee Frankfurt

Dhalinyaraddan ayaa waxay abuureen shaki ku aadan in ay ka mid yahiin Argagixisadda Ururka Al Qaacida-Shabaab ee dagaalka ka wada dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadashay xafiiska xeer ilaaliyaha Karlsruhe ayaa u xaqiijisay Wakaalada wararka ee DPA maanta in saddexdan ruux la xirey Sabtidii aynu ka soo gudubnay.

Waxaa kalo la shaaciyey Ururka Kooxda Shabaab ay Dalka Jarmalka gaar ahaan Magalooyinka Offenbach, Darmstadt, iyo Barlin ay ku leeyahiin Taageerayaal Af iyo Dhaqaalaba ku taageera.

Keydmedia Online




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.