Dad lagu xirxiray waqooyga Galkacyo

Galkacyo(keydmedia) Wararka laga helayo dhanka Waqooyi ee magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in ciidamada Faroole tan iyo shalay halkaasi ay ka wadeen falal ay ku xirxirayaan shacabka ku nool halkaasi.
Warar Keydmedia Online
Dad lagu xirxiray waqooyga Galkacyo

Xogha la helayo ayaa sheegaya in ciidamada ay xireen dad ka badan 50 ruux iyagoo ku andacoonaya in ay raad gurayaan dadkii ka danbeeyay qarax shalay lala beegsaday Axmed Cali Salaad oo ah wakiilka Faroole ee waqooyga Galkacyo.

Dadka la xirxiray ayaa loo taxaabay xabsiyo kale duwan, waxaana la sheegay in dadka badankood ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya oo deegaanadaasi ka xamaalanayay.

Inta badan dadka lagu xiro xabsiyada ku yaala Bari, nugaal iyo waqooyga Galkacyo ma helaan xukun cadaalad ah waxaana taas badalkeed ay la kulmaan cadaadis, jirdil iyo dhibaatooyin kale iyadoona xiliyada qaar xoriyadooda lacag looga iibsado.

 www.keydmedia.net