Dadka uu ku dhacay COVID-19 oo sare usii kacday

Sida ay warbixin ku soo saartay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, waxaa sii kordhaya tirada dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Dadka uu ku dhacay COVID-19 oo sare usii kacday

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa weli sii kordhaya kiisaska dadka laga helayo Caabuqa Covid-19 ee waddanka Soomaaliya, xilli uu kusoo laba kacleeyay iyadoo digniino iyo wacyi galin hor leh ay bixinayaan saraakiisha caafimaadka iyo maamulka gobolka Benaadir iyo kan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir 14 ruux, Somaliland 52 ruux, Jubbaland 8 ruux, Galmudug 2 ruux, Koonfur Galbeed 32 ruux iyo Hirshabeelle oo laga helay 1 qof, 68 ruux oo kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 41 -ka kalena ay yihiin haween.

Tan iyo wixii ka dambeeyay soo laba kacleynta caabuqa Covid-19 ee dalka Soomaaliya waxaa sii kordhaysa maalinta maalinta ka dambeysa tirada kiisaska laga helayo caabuqa, iyadoo dalka la keenay Tallaalka ka hor tagga Caabuqa Covid-19 ee waddanka Soomaaliya, inkastoo ay jiraan waddamo badan oo iska diiday tallaalkan, kuna tilmaamay mid halistiisa ay la socot.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.