Dadkii ay saameysay fatahaadda oo deeq la gaarsiiyay

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa booqday degaanno ay ka dhaceen fatahaado iyagoo gaarsiiyay deeq raashiin iyo dawo isugu jirta.

Warar Keydmedia Online
Dadkii ay saameysay fatahaadda oo deeq la gaarsiiyay

JOWHAR, Somalia - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  maanta kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyeen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaadda, xaalad adag oo dhanka nolosha ahna ay ka tagan tahay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa deeq isugu jirta raashin iyo daawooyin ku wareejiyay dadka ku nool Tuulooyinka Baareey iyo Geedo barkaan oo fatahaada Wabiga Shabeelle ay saameysay isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaada.

Guudlaawe ayaa markii uu dib ugu soo laabtay degaannada Hirshabeelle wuxuu booqday dhowr goobood oo kamida goobaha ay saameysay fatahaadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.