Dagaal-beeleedyadii Baladweyne oo dib u billowday

Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Baladweyne ka qarxay dagaal-beeleedyo udhaxeeya laba beel oo walaalo ah kuwaas oo wada daga xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Warar Keydmedia Online
Dagaal-beeleedyadii Baladweyne oo dib u billowday

BALADWEYNE, Soomaaliya - Dagaal ayaa dib uga qarxay tuulooyin ku yaala duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga.

Dagaalkaan ayaa maanta bilaawday iyadoo wali loo fadhiyo shir u dhaxeeyay labada beelood oo ka soda magaalada Beladweyne. Waxaana dagaalka uu sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo barakac.

Dagaal-beeleedyada ayaa inta badan waxay ka dhacaan degaannada ay isla deggan yihiin qabiillada kala duwan, iyadoo xilli roobaadyadu inta badan soo noq-noqdaan dagaallada.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan gobolka Hiiraan well kama aysan hadlin dagaallada dib uga billowday magaalada Baladweyne iyadoo loo fadhiyo xallinta dagaalladan oo maalmahanba ka socday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.