Dagaal ka dhacay G/Sool iyo Somaliland oo taliye looga dilay

Gobolka Sool oo Somaliland qabsatay 2007 ayaa dadka degan intooda badan kasoo horjeeda gooni u goosadka, waxayna taageersan yihiin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay G/Sool iyo Somaliland oo taliye looga dilay

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Dagaal Maanta dhacay degmada Xudun, ee gobolka Sool ayaa waxaa lagu dilay taliye sare oo katirsanaa Ciidamada booliska maamulka Somaliland.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cismaan Maxamuud Saalax ayaa ku dhintay iska hor-imaad Ciidanka booliska iyo Koox hubeysan ku dhex-maray saldhigga degmada, sida uu xaqiijiyay duqa degmada Maxamed Jaamac Xirsi.

Dableyda ayaa la sheegay inay kamid yihiin kooxo daroogadda ka ganacsada, oo mudooyinkii dambe kusoo xoogeysanayay degmada iyo qeybo kamid ah gobolka, iyadoo booliska ay billaabeen dagaal ka dhan ah burcada iyo maandooriyaha.

Gobolka Sool oo Somaliland qabsatay 2007 ayaa dadka degan intooda badan kasoo horjeeda gooni u goosadka, waxayna taageersan yihiin midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo kordhayay Laascaanood sanadihii dambe, waxayna odayaasha degaanka ay sheegeen in Somaliland ay ka gaabisay wax ka qabashadda amni darada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.