Dagaal ka dhacay galbeedka magaalada Baladweyne

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ayaa saakay ka dhacay galbeedka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay galbeedka magaalada Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyaadka dirirtu dhexmartay ayaa saakay ka dhacay galbeedka magaalo madaxda gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa billowday kadib muran ka dhashay dhul beereed in muddo ah la isku heysaty oo ku yaalla degaanka Beledunuur.

Waxaa galinkii danmbe ee shalay fashilmay waan-waan ay wadeen Odoyaasha dhaqanka degaannada Baladunuur iyo Haracadey, waxayna taasi soo dadajisay in lagu diriro degaanka.

Ciidamada Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Maamulka HirShabeelle ee ku sugan Baladweyne ayaa saakay ku baxay dagaalka, waxayna ka dhex dhigeen ciidamo, maleeshiyaadkii dagalamayay, taas oo keentay in iska hor imaadku hakado.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin inta uu la egyahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhasahy dagaalkaan, waxaase dhaawacyo la dhigay Isbitaalka Baladweyne.

Dagaallada ceyn kaan ah ayaa ka curta muaranno la xariira dhulalka Beeraha iyo Daaqsinta,  biyaha, geela, gabdhaha, gamaanka iyo dariiqooyinka diinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.