Dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Dagaalkan ayaa ah mid xooggan oo laga maqlay deegaano ka baxsan halkii lagu dagaallamay.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Kenya ee AMISOM oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen xarun ay ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in dhinayacdii dagaallamay ay isku adeegsadeen hub culus, waxaana jira khasaare Labada dhinac soo kala gaaray.

Weli maamulka Jubbaland iyo AMISOM faah faahin rasmi ah kama aanay bixin dagaalkan, walow ilo madax banaan ay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintay Hal qof, ku dhowaad Shan kalena dhaawac uu soo gaaray.

Al-shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimaha iyo xarumaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.