Dagaal xooggan oo dhex maray ciidamo ka wada tirsan Dowladda

Is-rasaaseyn culus ayaa dhexmaratay Ciidamada Dowladda ee ku sagan magaalada Doolow, waxaana la soo warinayaa khasaaro hordhac ah.

Warar Keydmedia Online
Dagaal xooggan oo dhex maray ciidamo ka wada tirsan Dowladda

DOOWLOW, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday oo u dhaxeeyay Ciidanka Nabad sugida degmada Doolow iyo kuwa Dowladda Fadaraalka ee dhamadki sanadkii hore laga qaaday Muqdisho uu ka dhacay gudaha magaalada.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, dagaalka ayaa ka dhashay muran soo kala dhex galay labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaaro xooggan.

Ilo wareedyo ayaa ku waramay in is-rasaasaynta labada ciidan oo mudo socotay uu ku dhaawacmay taliyaha Ciidanka Nabad sugida ee degmada Doolow, kaas oo lagu magacaabo Xasan Cibaad iyo askari ilaalo u ahaa.

Ilaa iyo hadda lama shaacin waxa sababay muranka keenay is-rasaasaynta labada ciidan dhexmartay, mana jiraan wax war oo ilaa iyo hada kasoo baxay laamaha amniga degmadaas oo ku saabasan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.

Dagaalka ciidanka dowlada dhexmara ayaa inta badan soo noq-noqda, waxaana khubarada amniga ay sheegaan in taasi ay ugu wacan tahay kala qaybsanaanta ciidanka ee uu abuuray Farmaajo tan iyo marka uu xilka Madax-waynaha qabtay billowgi 2017.

Doolow, waxa ay ka mid tahay degannada ay Kooxda Farmaajo ka fara-maroojiyeen maamulka Jubballand, waxaana magaalada ku wada sugan ciidamo kala duwan oo qaarkood dhawaan laga qaaday degmada Beldxaawo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.