Dagaal Culus oo ka Qaraxy Duleedka Degmada Afmadow

Kismaayo (Keydmedia) - War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka qaraxay, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada huwanta ah iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Culus oo ka Qaraxy Duleedka Degmada Afmadow

Dagaalka ayaa qarxday kadib markii Ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay weerar culus ku soo qaadeen degmada Afmadow kaasoo ay ku doonayaan inay kula wareegaan gacan ku hayanta magaalada Afmadow.

Warar hor dhac ah oo na soo gaaraaya waxaa ay sheegayaan in difaacyadii kooxda Shabaabka ee duleedka degmmada Afmadow ay soo jiireen Ciidamada huwanta ah.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu weli dagaalku socdo.

Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa degmada Afmadow waxaa ay ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cararaya dhibaata ka soo gaarta dadka rayidka ah.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo