Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada SOS,meel u dhaw Shaleemo Cabdi waayeel,kadib markii Kooxda Al-shabab ay soo weerareen Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku lee yihiin.
Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Gacanta iskula tagay,waxaana halkaasi ka dhacay Qaraxyo iyo Dagaal Fool ka Fool ah.
Dagaalka Xalay ayaa waxaa ku Dhintay 2-Ruux ,ayadoona ay ku Dhaawacmeen 6 kale,waxaana Dadka Dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ay u badnaayeen dhinacyadii Dagaalamay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Hiliwaa ayaa Keydmedia online u sheegay in ay iska Difaaceen Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee Dagaalka soo qaaday.
Waxaana Dagaalka xalay uu Qal qal ku abuuray Dadka Shacabkaa ee ku nool Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana Dagmada Hiliwaa ay noqotay Degmooyinka Dagaalada Nuucaan oo kale ah ay ku soo noq noqdeen.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments