Dagaal U Dhaxeeyay Shabaab iyo Maleeshiyo Beeleed oo Ka Dhacay Deegaano Hoostaga Maxaas

Maxaas (KON)- Dagaal culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tardo oo hoostag degmada Maxaas ee gobbolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Dagaal U Dhaxeeyay Shabaab iyo Maleeshiyo Beeleed oo Ka Dhacay Deegaano Hoostaga Maxaas

Dagaalkaan u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Shabaab iyo dadka deegaanka ee ka dhacay tuulada Tardo ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay gubeen beer uu lahaa qof kamid ah dadka deegaanka, waxaana arrintaasi ka gadooday dadkii deegaanka oo ishubeeyay dagaalna ku qaaday Shabaab.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 3 ka tirsan Maleeshiyaadkii Shabaab ee beerta gubay ayaa ku geeriyooday halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isla Shabaab ka tirsa.

Khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dadka deegaanka ayaa naloo xaqiijiyay inuu yahay 6 qof oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, waxaana xaaladu ay hadda tahay mid kacsan.

Wariye ku suggan degmada Maxaas ayaa KON u sheegay inuu jiro gurmadyo Shabaab ah oo kala imaanaya Jalalaqsi iyo Jowhar kuwaasoo ku sii qul qulaya deegaanka Tardo ee uu dagaalka ka dhacay.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]
Xafiiska, Muqdisho