Dagaalo ka bilowday Muqisho iyo dowlada oo wali is khilaafsan

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa iminka ka soconaya gudaha Magaalada Muqdisho dagaal u dhaxeeya xoogaga dawlada ka soo horjeeda, ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhan ah.
News Keydmedia Online

Dagaalka ayaa ka socda degmooyinka Hodan iyo H/wadaag waxaana uu bilowday kadib markii kooxaha dowlada ka soo horjeeda ay soo horjuumeen fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ee degmada Hodan.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa iyo hadda in ay iska hor imaadyadan ku geeriyoodeen 4 ruux oo rayid ah isla markaana ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 10 kale, waxaana arimahan ay imaanayaan xili uu cirka isku sii talayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada.

Iyadoo madaafiicda iyo rasaasta rayidka badan ay ku dhibaatoobayaan ay ka socoto muqdisho ayaa hadana xarumaha dowlada waxaa ka socda shirar ku saleysan is gaashaanbuureysi iyo bixinta qarashaad fara badan oo la siinayo xildhibaanada si looga faa