Dambiile Dil loo haysto oo la xukumay

Maxkamadda Cidanka Xoogga ayaa maanta xukun ku riday Nin loo haystay dilka iyo dhac oo ka dhacay deegaanka Jasiisa. 

Warar Keydmedia Online
Dambiile Dil loo haysto oo la xukumay

MUQDISHO - Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo hastaa Dil iyo dhac uu u gaystay Marxuum Axmed Cali Nuur, 19-kii bishii March ee Sanadkan.

Kowdii June  iyo15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka  oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.