Dagaal xooggan oo ka qarxay koofurta Mudug

Dagaal xooggan ayaa dhawaan ka billowday degaanno hoos taga magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Dagaal xooggan oo ka qarxay koofurta Mudug

GAALKACYO, Soomaaliya - Dagaal xooggan o u dhaxeeyaa Ciidamo ka kala tirsan xoogga dalka Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug, iyo dad shacab ah oo is aruursaday iyo kooxda Al-Shabaab, ayaa hadda ka socda degaaanno hoos taga magaalada Camaara oo dhacda koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa billowday kadib markii duullan xooggan ay ciidanka huwanta ah dhowr dhinac uga qaadeen degaanka Qod-qod oo qiyaastii 20KM u jira degaanka Camaara.

Todobaadkii hore Ciidamo ka kala tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Galmudug, ayaa ka ruuqaansaday magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo sida la sheegay ku wajahan degmada qqadiimiga ah ee Xarardheere.

Sida ay sheegayan dadka degaanka ciidamada huwanta ah, waxaa ku jira kuwo uu Hoggaaminayo taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan, (Joon).

Shalay ayay ahayd markii ciidamada is garabsanaya ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degaanka Bacaadweyn iyo degaannada hoos taga, oo lixdii bishaan ay ka dhaceen dagaallo qaraar.

Wixii war ah oo ku soo kordha dagaalka kala soco bogga wararka Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.