Heshiiskii doorashadda Soomaaliya oo la saxiixay

Madaxda dowladda oo Rooble hogaaminayo ayaa la saxiixday heshiis doorasho oo muhiim ah madaxda maamullada iyo duqa Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Heshiiskii doorashadda Soomaaliya oo la saxiixay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw qalinka lagu duugay heshiiskii doorashadda Soomaaliya kadib wahadadallo qaatay mudo 4 maalmood ah.

Heshiiskan ayaa dhabaha u xaaraya doorasho si nabdoon ku dhacda, oo loo dhan yahay kadib markii la xaliyay dhamaan qodobadii caqabada ku ahaa hirgelinta heshiiskii Sep 17.

Xafladda lagu soo gaba-gabeynayo saxiixa heshiiska ayaa ka socota Teendhada Afisyooni, taasoo ay ka qeybgalayaan madaxdii hore iyo kuwa Maanta.

Saxiixa ayaa dhacay kadib markii Cabdi Xaashi la qanciyay oo loo ogolaadey xubnihii uu qabsaday ee gudiyadda doorashooyinka, oo 6 gaaraya, isagoo hore u diiday 5 xubin.

Xafladda ayaa la filayaa in goordhaw soo dhamaato, maadaama ay muuqato kasoo qeybgalkeeda inuusan u dhicin sidii la rabey, oo ay ka maqan yihiin shaqsiyaad muhiim ah.

Wuxuu qorshaha ahaa inay xafladda billaabato 9:00 AM waqtiga Muqdisho, oo ay soo dhamaato 3 PM, laakiin dib ayay uga dhacday sababtoo ah qancinta Cabdi Xaashi.

Heshiisyo noocan ah horey ayay Madaxda Soomaaliya u saxiixeen, oo aysan fulin, iyadoo markii laga tago Muqdisho uu soo baxo khilaaf cusub iyo waxbaa laga bedelin qodobada heshiis, taasoo waqtiga looga luminayo dalka iyo dadka.

Doorashadda ayaa lagu heshiiyay inay ku dhacdo 60 maalmood gudahooda, waxaana la shaaciyay inay labo degaan maamul kasta ay ka dhacayso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.