Deg deg: Mareykanka oo duqeyntii labaad ka fuliyay Mudug

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijisay in diraaradaha aan duuliyaha lahayd ee Mareykanku ay duqeyn ka fuliyeen koofurta gobolka Mudug saaka.

Warar Keydmedia Online
Deg deg: Mareykanka oo duqeyntii labaad ka fuliyay Mudug

GAALKACYO, Soomaaliya – Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug, diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanka, ayaa duqeyn la beegsaday xarumo ay Kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin degaanno u dhexeeya Qeycad iyo Hareeri-dheere, oo dhaca gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxaa warka lagu xusay in ciidamada huwanta ah ee duullaanka ku jira ay ku wajan yihiin degaannada duqeyntu ka dhacday, halkaas oo ay doonayaan in ay ka faramaroojiyaan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Galmudug.

Saddex maalin ka hor ayay ahayd markii Mareykanku sidaan oo kale, duqeeyay fariisimo ay Kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka, taas oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, u sahashay in ay la wareegaan gacan ku heynta degaanno hor leh.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, (Qoorqoo) ayaa shalay kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha Al-Shabaab, waxaana halkaas kaga sii horreeyay, xubno sarsare, oo uu ku jiro Wasiirka Amniga, Fiqi iyo Generaal Cabdi Qaybdiid.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.