Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Munaasabad xalay ka dhacday degmada Luuq ayaa arinkaasi lagu meel dhigay, waxaana goobta ka hadlay wakiilkii guud ee degmada ee kooxda Xasan Daahir ninka lagu magacaabo Farxaan Cabdi Ciilmooge.
Ciilmooge ayaa sheegay in isaga iyo saraakiishiisa ay garawsadeen ku biirida kooxda kale kadib markay dhinacya badan eegeen, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin is dhiibida kooxdaasi in ay salka ku heysay cabsi soo wajahday iyo tuhun ay ka qaadeen weerar ku soo fool leh.
Farxaan ayaa ugu baaqay dhamaan maamulada kale ee kooxda Xasan Daahir in ay si deg deg ah ugu biiraan kooxda Godane soo buu yiri loo mideeyo awooda labada kooxood.
Kol hore ayaa sidan oo kale saraakiil kooxda Xasan Daahir uga wakiil aheyd degmooyin iyo Magaalooyin waxa ay toos ugu biireen kooxda kale ee Axmed Godane waxaana taasi ay sababatay in ay aad u yaraadaan deegaanadii kooxda ay ka talin jirtay.
Www.keydmedia.net
Add comment
Comments