DF iyo Dowladda Ingiriiska oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga ee Zoom -ka mas'uuliyiin ka kala socota Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah.

Warar Keydmedia Online
DF iyo Dowladda Ingiriiska oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo madaxa hay'adda gargaarka UK ee UKAID ayaa  kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga ee Zoom -ka.

Waxaa looga wada hadlay kulanka dhammeystirka dib-u-habeynta Maaliyadda, dar-dar gelinta dakhliga gudaha, maamul wanaagga iyo fursadaha horumarineed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageerada joogtada ah siiya dowladda Soomaaliya, iyadoo ka caawisa dhinacya badan oo ay qeyb ka tahay taageerada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale hay'adda UKAID ayaa iyana dhinacya badan ka taageerta Soomaalida oo ay qeyb ka tahay arrimaha bani-aadanimada iyo barnaamijyada horumarineed ee dowlad wanaagga.

Dowladda Federaalka faah-faahin kama aysan bixin wadahadalka. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.