DF oo ka laabatay heshiisyo ay horay u gashay

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay heshiisyo ay horay ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka laabatay heshiisyo ay horay u gashay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa ka noqotay dhammaan heshiisyadii ay horey ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku saabsanaa in ay shaqaale Soomaaliyeed shaqo ka siin karaan dibadda una dhoofin karaan waddamada kale ee shirkadahaasi xiriirka la leeyihiin.

Wareegto uu soo saaray isla markaana saxiixay Wasiiru Dowladda a Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa la gaarsiiyay hay'adaha ay quseyso.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la faray in ay joojiyaan cid kasta ee ay uga shakiyaan in ay shaqo ka heleen dalka dibaddiisa, iyadoo arrintan ay caqabad ku noqon karto dadka Soomaaliyeed ee daneenaya in ay ka shaqeeyaan meel ka baxsan dalka Soomaaliya, maadaama shaqadu aysan xuduud laheen, dad badan oo aan Soomaali ahayna ay ka shaqeeyaan gudaha dalka Soomaaliga gaar ahaan hay'adaha iyo xafiisyada dowladda qaar kamida.

Halkan hoose ka akhri wareegtada sida rasmiga ah uga soo baxday wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.