DF oo ka shaqeynaysa in Ciidanka Kenya laga saaro AMISOM

Xogtan oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in dowladda Farmaajo ay go'aansatay in Ciidanka Kenya oo gaaraya 3,500 in laga saaro AMISOM.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka shaqeynaysa in Ciidanka Kenya laga saaro AMISOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyay 1-da January 2021 joojin doonto fiisooyinka ay usoo saari jirtay Ciidamada Kenya ee isku bedeli jiray [Rotation] howlgalka ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya.

Go'aankan ayaa yimid kadib markii Xukuumadda fadhisa Muqdisho ay ku dhawaaqday inay xiririka u jartay Kenya, islamarkaana ay u yeertay diblomaasiyiinteeda u jooga magaaladda Nairobi, oo lagu amray inay 7 maalmood kusoo galaan wadanka.

Ciidanka Kenya oo ka kooban illaa 3,500 oo askari ayaa waxay ka howlgalaan Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo ku sugan dalka tan iyo 2011, oo ay dagaal kula jireen Kooxda Al-Shabaab.

Kenya waxay si indha la'aan ah u taageertaa Axmed Madoobe, oo xulufo la ah, islamarkaana ka caawiyay inuu Al-Shabaab qabsado 2012-kii, islamarkaana uu dhiso Jubbaland oo isaga boqortooyo ka dhistay.

Hadii ay Ciidanka Kenya ka baxaan Jubbooyinka iyo Gedo, yaa buuxin soono booskooda? Waxay u badan tahay inuu Farmaajo doonayo in Ciidan Itoobiyaan ah lagu bedelo, si qorshihiisii hore ee xil ka qaadista Axmed Madoobe ugu fududaato.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.