DF oo si sharci darro ah u saxiixaysa qeyb kamida Shidaalka dalka

Warar Keydmedia Online

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa qaar kamida Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in ay saxiixaan Heshiis laga gaarayo xirmooyin kamida Shidaalka Soomaaliya, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

DF oo si sharci darro ah u saxiixaysa qeyb kamida Shidaalka dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lagu wadaa in heshiis ku saabsan Shidaal qodis xarunta Madaxtooyadda ku kala sixiixdaan Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan qaar kamida dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo Shirkadaha qotista shidaalka kuwaasoo fadhigoodu yahay dalka Mareykanka.

Xirmooyinka shidaalka la bixinayo ayaa ku kala yaalla Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, oo ay ka taliyaan dowlad goboleedyada saaxiibka dhaw la ah dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Farmaajo, waxaana deegaanadaasi ay ka mid yihiin meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo horay sahmin shidaal looga sameeyay.

Macluumaad ay Keydmedia Online ka haleyso Saraakiil u shaqeeya Madaxtooyadda ayaa sheegaya in Shirkadaha qodista shidaalka loo saxiixayo ayaa maanta soo gaareen magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray waddada isku xirta Garoodnka diyaaradaha iyo Villa Somalia, waxaana heshiiska loo asteeyay inuu ka dhaco xarunta dowladda federaalka ee Villa Somalia.

Shir gaara oo hor dhac ah ayey yeesheen dhinacyada uu khuseeyo heshiiska ee Shirkadaha Ajaanibta ah iyo DF oo ay la safan yihiin Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaas oo maanta ka dhacay xarunta Villa Somalia waxaa dib loo dhigay in la saxiixo, iyadoo maalmaha soo aadan loo madalsan yahay saxiixa heshiiskaas hoos-ka-dusinta ah ee lagu xadayo xoolaha umadda Soomaaliyeed.

Keydmedia Online oo isku dayeysay maalmahaan in ay xog sugan ka hesho heshiiska ayaa waxay soo ogaatay in shirkadaha la siinayo ay yihiin laba shirkadood oo yar-yar. Coastline waa dallad ay ku mideysan yihiin shirkado ganacsi wada sameeya, oo ay ka mid tahay Soma Oil and Gas, taasoo uu horey u hoggaaminayey Xasan Cali Khayre, RW hore ee xafiiska laga ceeriyay.

Shalay ayey ahayd markii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ay ka digeen in khatarta ka imaan karta heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixinayo shidaalka Soomaaliya.

Dowladda uu hoggamaiyo Farmaajo waxay jabisay Dastuurkii dalku uu lahaa, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lix bilood ka hor doorashadii February 2017 ayuu soo saaray laba wareegto oo kala ah:

  1. In aan qof xil loo magacaabi karin mid xil hayana aan laga qaadi karin iyo
  2. In Dowlada aysan gali karin heshiisyo ama bixin karin qandaraasyo.

Keydmedia Online ayaa horaantii bishii lasoo dhaafay ka hadashay qorshaha Dowladda Farmaajo ee iibinta Shidaalka Dalka, 

Halkan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska madaxweeynaha ee uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud

Kooxda Farmaajo oo raadinaysa sidii ay ku sii joogi lahaayeen xafiiska Villa Somalia ayaa waxay dhaqaale ka raadinayaan wax walba oo suura-gal ah, waxayna markan doonayaan in ay saxiixaan Xirmo ka mida dhulka horay loo sahmiyay ee laga helay Shidaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 October 2021 11:41

Ikraan uguma horeyso ugumna danbeyso dadka ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waxaa jira Saraakiil kale oo badan oo NISA ka tirsanaa, kuwaas oo illaa hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay.