Dhageysiga dacwada badda Soomaliya oo la soo gabagabeeyay

Dhegeysiga dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay ayaa galabta lagu soo geba-gabeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka.

Warar Keydmedia Online
Dhageysiga dacwada badda Soomaliya oo la soo gabagabeeyay

THE HAGUE, Netherlands – Maxakamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa galabta soo gaba-gabeysay dhegeysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo soo billaabatay 15-kii bishaan oo ku beegneed isniintii la soo dhaafay.

Guddiga iyo qareenada Dowladda Fadaraalka Soomaaliya u xil saaraty dacwada badda waxa hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ‘Qadar’, waxayna qareenada u doodayay kala ahaayeen;

1 – Paul Riichler oo degan Washington, Mareykanka, waa abukaate heer calami ah.

2 - Philippe Sands, waa Ingiriiska, 58 jir degan London, kana baxay Harvard Law School.

3 – Prof Alain Pellet, oo Faransiis ah, waa 72 jir dhanka sharciga ku xeel-dheer.

Kenya ayaa hore u diiday in ay ka soo qeyb gasho dhegeysiga dacwada, taas oo ay u sababayay qodobbo ay mid tahay in Maxakamddu ay u xaglinayso Soomaaliya.

Qareenadda u doodayay Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay soo billaabatay dhegeysiga dacwada waxa ay soo bandhegayeen dood qiima leh, iyagoo si togan bandhigay waxa ay runtu tahay Soomaaliya dooneyso.

Qareenada Soomaaliya maanta waxa ay dalbadeeen

1 – In Maxakamaddu diiddo, codsiyadii Kenya u gudbisay Maxakamadda 2018-kii, lana aqbalo codsiga Somaaliya.

2- In Maxakamddu xadeyso dhul badeedka biyaha Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya loona xadeeyo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa badda.

3- In Maxamaddu ku amarto in Kenya ay magdhaw bixiso.

4- In Dowladda Kenya ay Soomaaliya ku wareejiso dhamaan macluumaadka ay ka aruurisay goobaha uu muranku ku jiro, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Ugu danbeyn Maxakamadda Cadaaladda Adduunka ayaa xukun u dirtay, kiskaan waxaana laga yaabaa in go’aan qaadashada Maxakamadda ay qaadato dhowr bilood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.