Dhageysiga Dacwada Kiiska Coldoon oo la soo gabagabeeyey

Waxaa la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwada ku qotonta, kiiska weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo xabsiga ugu jira amar ka soo baxay Muuse Biixi.

News Keydmedia Online
Dhageysiga Dacwada Kiiska Coldoon oo la soo gabagabeeyey

HARGEYSA, Soomaaliya - Maxkamada magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, ayaa soo gabagabeysay Maanta oo Sabti ah dhageysiga dacwada la xiriirta, kiiska weriye/samafale Cabdimaalik Coldoon, oo xabsiga ugu jira eeddo uu u jeediyey Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda uu leeyahay ee Barwaaqo, oo uu yiri waxaa diinta Kirishtaanka lagu baraa ardayda.

Maxkamada ayaa dhageysatay qareenada labada dhinac, waxaana ay sheegtay in kiiskan ay go'aan uga gaareyso, muddo labbo toddobaad gudaheed ah, maaddaama in ku dhaw 6-bilood uu sifo sharci darro ah jeelka ugu jiro Coldoon.

Haddaba go'aan ceynkee ah ayey maxkamadu ka qaadan doontaa, eeddaha loo heysto Coldoon?

Qareenada sida dhaw ula socday kiiskan, rajo badan kama qabaan in Coldoon uu helo garsoor caddaalad ah, waxaana ay farta ku fiiqayaan madaxweynaha Somaliland, oo xariga Coldoon dhaqaale badan uga qaatay, ajaanibta iska leh dugsiga Abaarso ee uu Coldoon dhaliilaha badan u jeediyey.

Coldoon qudhiisa ayaanan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada ka soo bixi doona, waxaana shalay mar fursad loo siiyey inuu hadlo, uu quus ka muujiyey inuu helo xukun caddaalad ah, oo la isku haleyn karo.

Arrinta mugdiga badan galineysa, caddaalada laga fili karo xukunka maxkamadda ayaa ah, in jufo hoose ay yihiin madaxweyne Biixi iyo  garsooraha maxkamada go'aanka gaareysa, kaas oo lagu magacaabo Xasan-Mataan Axmed Maxamed.

Coldoon ayaa ku eeddeeyey dugsiga Abaarso, mid lagu dooriyo diinta iyo dhaqanka suuban, isagoo xusay in dadka furtay ay u olloleeyaan guurka dadka isku jinsiga ah, isla markaana sidoo kale lagu faafiyo diinta kirishtanka.

Hadalka Coldoon kadib, madaxweynaha Somaliland oo dugsiga Abaarso tagay, ayaa ka dhex sheegay, in ay been abuur yihiin waxyaabaha lagu eeddeynayo dugsiga, isagoo amray in xabsiga loo taxaabo Coldoon, oo iftiimiyey xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha dugsigaas.

Waxyaabaha bidhaaminaya xaqiiq ahaanshaha eedda uu Coldoon u jeediyey, dugsiga Abaarso waxaa ka mid ah qoraalkii bishii August, ay kaniisadda the Elevation Church, ku qoreen Twitter-kooda, ee ay ku sheegeen in Joy Isa, oo ah baadiriyad wax ka dhigta dugsiga Abaarso, ay ku bogaadinayaan howsha dimeed ee ay ugu socoto Somaliland, inkasta oo markii danbe ay qoraalkaas raali gallin ka bixiyeen, kadib xiriir uu la sameeyey Biixi.

Caddeynta labaad ayaa noqoneysa, hadalkii uu talaadadii, Jim Shannon oo ka tirsan baarlamanka Ingiriiska, ka yiri fadhigii looga hadlayey aqoonsiga Somaliland, halkaas oo uu ka sheegay in ay ehelkooda iyo bulshada faquuq kala  kulmayaan,  dad Somaliland u dhashay oo qaatay diinta kirishtanka, isagoo intuu hadal-jeedinta watay ku baaqay, in Somaliland laga taageero xoriyada diinta iyo xuquuqul insaanka.

Arrimahaas iyo kuwa kale, waa waxyaabaha sii adkeynaya in xukun caddaalad ah uu helo Coldoon, maddaama jeebka loo buuxiyey Biixi, isla markaana uu ka aamisan yahay Coldoon, nin xagjir ah, oo Somaliland ka hor istaagaya ictiraafka ay baadigoobeyso.

Bishii August ee sanadkii 2021, ayey ahayd markii ciidamada Somaliland, ay Coldoon ka soo qabteen magaalada Burco, waxaana lagu xiray xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo ilaa iyo maanta uu xukun la'aan ku jiro, iyadoo geesta kalana ehelkiisa loo diiday, in ay xabsiga ku booqdaan, taas oo ay marar kala duwan ka cawdeen, balse cidna aysan dhag jalaq u siinin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.