Dhageyso: Hindise Sharciyeedka Maamullada Goboollada & Degmooyinka Dalka oo la Ansixiyay

Muqdisho (KON) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maantay Ansixiay Hindise Sharciyeedka Maamullada Goboollada iyo Degmooyinka Dalka, waxaana Kulankii Maantay soo xaadiray 142 Mudane.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Hindise Sharciyeedka Maamullada Goboollada & Degmooyinka Dalka oo la Ansixiyay

Codka oo ahaa mid gacan taag ah ayaa ku ogolaatay Sharcigaan 137 mudane, Labanah way diiday, halka saddexda kalena ay ka aamuseen.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa khamiistii iyo sabtidii si kulul uga dooday hindise sharciyeedkan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Baarlamaanka u soo gudbisay Ajandaha "Hindiso Sharciyeedka Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka", Xildhibaano ayaa waxa ay soo jeediyeen in Shuruudaha Gobollada iyo Degmooyin Cusub laga doonayo la kordhiyo, sidoo kale Hindiso sharciyeedkaan ayaa waxaa ku jiray qodobo qeexaya in dhismaha Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka lagu dhameystiro Muddo Seddex bilood ah taas oo ay Xildhibaanada qaar ay soo Jeediyeen in la kordhiyo islamarkaana laga dhigo Mudoo Lix bilood ah.

Hindise sharciyeedkan maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa muhiim u ah sameeynta maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho