Dhaq-dhaqaayadii hub uruursiga ee Muqdisho oo sare u kacay

Dhaq-dhaqaaqyadii hub isku uruursiga ee laga dareemayay bilihii u dambeeyay oo gaaray meeshii ugu sarreysay, kaddib markii DF ay lasoo dagtay gawaarida dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-Bilayaasha.

Warar Keydmedia Online
Dhaq-dhaqaayadii hub uruursiga ee Muqdisho oo sare u kacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa hakad galay isku socodkii dadka ee waddada muhiimka ah ee Maka-Al-Mukarama, kaddib markii gawaari tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 40 gawaari oo ah kuwa dagaalka, gaar ahaan nuuca loo yaqaan Cabdi-Bilayaasha laga gudbiyay waddada Maka-Al-Mukarama.

Illo lagu kalsoonyahay ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay tani in ay qeyb ka tahay dhaq-dhaqaaqyadii hub uruursiga ee sida aadka ah looga dareemayay magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay, taasoo sare u qaadday qiimaha hubka ee lagu kala iibsado magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE waxay ku dadaaleysa sidii ay ku heli lahayd xog dheeri ah oo ku saabsan gawaarida dagaalka ee caawa laga soo saaray Dekadda Muqdisho iyo waddanka laga keenay. 

Waxaana lagu soo aaddiyay Gabal-dhicii caawa, iyadoo qorshuhu uu ahaa in aan dhaq-dhaqaaqyada la dareemin, sidoo kalena aysan ciriiri galin waddooyinka Xamar ee aan lahayn calaamadaha lagu kala hago gawaarida afarta jiha ukala socota iyo dadka shacabka ah ee doonaya in ay gooyaan waddooyinka.

Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxay qaadday tallaabo halis gelin karta xaaladda dalka, iyadoo weli hubka uu ku jiro shakhsiyaad gacantooda, oo aysan dowladdu awood u yeelan in ay xakameyso hubka, sidoo kalena Al-Shabaab ay haystaan hub ka xoog badan kan ay dowladdu haysato ayey dooneysaa in ay awood ciidan kula wareegan deegaano nabad ah oo ku jira gacanta maamul goboleed ay dowladda iyo beesha caalamkuba aqoonsan yihiin, waxaana xusid mudan in dhulkii Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen aan tallaabo loo qaadin sidii loo xoreeyn lahaa intii uu talada dalka hayay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.