Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo Saakay ka socda Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad

Jowhar (Keydmedia) - Dhaq dhaqaaqyadaan ay Saaka wadaan Ciidamada TFG-da iyo AMISOM ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay ka soo dhaqaaqeen Deegaan u dhow Degmada Balcad islamrkaana ay ku soo dhowaadeen Degmada Jowhar oo iyadu la sheegay inay cidlo tahay oo ay haawaneyso.
Warar Keydmedia Online
Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo Saakay ka socda Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad

Ciidamada TFG-da iyo AMISOM ayaa saaka arroortii soo gaaray Deegaanka lagu magacaabo Qalimow kaasoo 5KM u jira Magaalada Jowhar ee xarunta gobbolka Shabeellaha Dhexe.

Xaalada ayaa aad u kacsan, waxaana Saraakiil TFG-da ka tirsan oo wrbaahinta la hadlay ay sheegeen inay saacadaha soo aadan ay la wareegi doonaan magaalada Jowhar, lamina oga halka ay aadeen Maleeshiyaadkii kooxda Shabaab.

Wixii ku soo kordha Xaalada Jowhar Kala Soco WWW.Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho