Dhar-cadka Farmaajo: Waa kuma Bashiir ‘BS’?

Dhacdadii shalay ka dhacday degmada Hodan ee shacabkii Bannaan-baxa nabadeed sameenayay, waa dhaqan xumo ay soo bandhigeen Dhar-cadka Farmaajo, hadaba waa kuma Bashiir Diidi 'BS'. 

Warar Keydmedia Online
Dhar-cadka Farmaajo: Waa kuma Bashiir ‘BS’?

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday dhaq-dhaqaaqyo xooggan kuwaasoo lagu soo bandhigayay sida looga soo horjeedo nidaamka Farmaajo ee ku saleysan xukun jaceylka, caburinta iyo handadaadda.

Bannaan-baxyo nabadeed ayaa ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, ciidamo ka tirsan kuwa Haramcadka ayaana loo adeegsaday si loo kala ceeriyo bannaan-baxayaasha, sidoo kale degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo aad looga cabsi qabay in ay ka dhacaan bannaan-baxyo waa weyn ayaa laga hor tagay, iyadoo waddooyinka lagu daadiyay ciidamo fara-badan, sidoo kalena ciidamada loo yaqaan dhar-cadka ayaa qeyb weyn ka qaatay is hor-taagga lagu sameeyay bannaan-baxyadii qorsheysnaa ee ka dhici lahaa degmooyin dhowra.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay bannaan-bax nabadeed, dhallinyaro dareenkooda soo bandhigayay ayaa waxay qaateen cod-baahiya yaal, iyagoo ku qeylinaya erayo ka dhan ah Farmaajo, sida horayba loo sii shaaciyay toddobaadyada soo aaddan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya isku soo baxyo looga soo hor jeedo xukun jaceylka, doorasho boobka, iyo keli-telisnimada Farmaajo.

Salaaddii Jimce kaddib waxaa degmada Hodan gaar ahaan meel u dhaw dhismaha loo yaqaan Say biyaano (6 Piano) isugu soo baxay dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ku qeylinaya erayo ka dhan ah Farmaajo, mid kamida dhar-cadka laba kaarayaasha ah ee dhawaan kasoo goostay ururka Al-Shabaab, horayna ugu qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah ee ay kooxdu ka uruursadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho ayaa isagoo gacanta ku sita biskoolad waxaa la arkayay isagoo ku kala ceerinaya shacabkii dareenkooda soo bandhigayay.

Sida ay Keydmedia Online ogaatay, Ninkaan magaciisa waa Bashiir Diidi oo loo yaqaan 'Bashiir BS', muddo sanad ah ayuu ka tisan yahay dhar-cadka Fahad Yaasiin uu u dirsado howlaha xog uruurinta iyo cabsiinta shacabka, waxaa la aaminsan yahay inuusan soo goosan ee uu yahay shaqsi laba kaarre ah (Double Agent) kana tirsan Al-Shabaab iyo Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Bashiir waxaa soo xareeyay Fahad Yaasin, waa Leelkase, wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuur aruurinta. 

Markii lakala eryay dadkii dibad-baxa dhigayay waxaa la bar-tilmaameedsaday gabar kamida gabdhihii oo markii dambe lagu qaaday gaari Boolis ah, kaasoo xoog lagu saaray gabadha, iyadoo aan la ogeyn halka la geyn doono, falka nuucan oo kale ah waa mid ka hor imaanaya xuquuqda aadanaha, wuxuuna xad gudub ku yahay soo bandhigidda dareenka Shacabka.

Farmaajo iyo Fahad ayaa ku heshiiyay arrintan, waxayna u arkaan in qal-qal gelinta shacabka in ay tahay waxa kaliya ee uu kursiga Vila Somalia kusii joogi karo Keligii-taliye Farmaajo,

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.