Dhibaatada Shacabka oo sii kordheysa

Muqdisho (Keydmedia) Iyadoo mudo lix maalmood ah oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ay ka socdaan Dagaalo hubeysan oo u dhaxeeya Dowladda oo xulufa la ah AMISOM iyo Ahlu-suna iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa aad u sii kordhaya dadka dhibaatada kala kulmaya dagaaladaasi.
Warar Keydmedia Online
Dhibaatada Shacabka oo sii kordheysa

Mudada uu socda dagaalka sida goob joogayaasha iyo saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen waxaa ku geeriyooday dad shacab ah oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 250 qof iyadoona 320 kale uu ka soo gaaray dhaawacyo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus.

Dagaalada oo ah kuwa laba qeybood oo magaalada ah si kale duwan uga socda ayaa qasaaraha ugu badan waxa uu ka dhashay kan ka socda Degmooyinka Hodan iyo H.wadaag oo kaabiga ku haya suuqa Bakaaraha.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira kuwa isku qoys ahaa isla markaana ku noolaa meela ka fog goobaha dirirta ay ka socoto sida degmada Wadajir oo kale, Ciidamada AMISOM ee taageera Dowlada ayaa inta ay kari karaan waxa ay adeegsanayaan hub culus kaasoo si aan kala sooc laheyn ay ugu garaacayaan goobaha rayidka dagan yihiin ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha ka horjeeda, sidaa si la eg ayaa xoogaga mucaaradka Hoobiyayaal tira badan waxa ay ku ridayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Dowlada iyo Xulafadeeda.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox qiratay in ay iyada mas'uul ka tahay qeyb ahaan dhibaatada gaartay shacbka taa badalkeedna waxa uu midba kan kale ku eedeynayaa in dhibaatada uu isaga ka danbeeyo.

www.keydmedia.net