Dhismaha Booliska Galmudug oo laga doodayo

Wuxuu sheegay Wasiirka in qodobka 69aad ee Dastuurka Galmudug uu ogolaanayo in ay yeelato Ciidamo Nabadgalyo oo isugu jira Booliis, Birmad, Nabadsugid iyo Asluubta.

Warar Keydmedia Online
Dhismaha Booliska Galmudug oo laga doodayo

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi ayaa Maanta horgeeyay Baarlamanka maamulkaasi hindise sharciyeed lagu doonayo in lagu dhiso Ciidan boolis ah.

Isagoo ka hadlayay kulankii Maanta ayaa Fiqi ka codsaday gudoonka inuu meel-mariyay sharcigan oo muhiim u ah Galmudug, maadaama aysan lahayn boolis u gaar ah, oo ilaaliya nabadda iyo kala dambeynta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.