Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay

Muqdisho (KON) - Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furtay Shirweyne looga hadlayo dib-u-habaynta waxbarashada, Shirkaasi oo Caasimada ka soconayo mudo Saddex Maalmood ah.
Warar Keydmedia Online
Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisan Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa ka Qeybgalay Wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada ka ka jira dalka, Jaamacadaha iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira iyo hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Dr Maryan Qaasim Axmed oo ka hadashay Shirka ayaa sheegtay in muuhiim gaar ah la siin doono dib u habeynta Waxbarashada, sababta shirkan loo soo qabanqaabiyayna ay tahay in guud ahaan dalka waxbarashadiisa ay noqoto mid isla jaan qaada.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo Shirkaan furay ayaa halkaas ka jeediyay Khudbad, wuxuuna RW Shirdoon sheegay in Dowladda ay Hormarineyso waxbarashada dalka.

”Dowladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada dalka ku bixiso lacag la mid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan, waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan" ayuu yiri RW Saacid.

R/wasaaraha oo hadalkiisa sii wata: "Dugsiyadu waa halka ugu haboon ee laga baahin karo dhaqanka suuban, diinta hufan iyo wadaniyada, waana meesha lagala dagaali karo afkaaraha qaldan ee lagu dhibaataynayo ummadeena."

Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maalinta khamiista, waxaana laga soo saari doonaa qorshe Qaran oo ay hoggaanka u qaban doonto wasaaradda hormarinta iyo adeegga bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelato 22 sano kaddib.


Khudbada RW Saacid- Nuxurka Khudbada


Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo, rasmi ahaana u furo Shirka Waxbarashada Soomaaliyeed (....) Shirkaan oo ah mid ummadda Soomaaliyeed aad ugu hanweyn tahay, kuna soo beegmay waqti is beddel taariikhi ahi dhacayo oo laga gudbay dagaalkii sokeeye iyo dawladihii ku-meel gaarka ahaa, mar labaadna aan dib u hananay dawladnimo rasmi ah ee dalkeena, ayaa shirkaan waxaa laga sugayaa qaabeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxaa waajib dastuuriya ah in ilma kasta oo Soomaali ahi helo wax-barasho illaa heer dugsi sare gaarsiisan oo lacag la’aan ah. Taasi waa waajib culus ooy tahay inaan u tabaabushaysano dawlad iyo shacabba.

Waxaan doonaynaa inaan ubadkeena ku ababino wadaniyad anagoo ka hortageyna afkaaraha guracan iyo xagjirnimada oo aan midkoodna manfac u lahayn ummaddeena. Dugsiyadeenu waa inay noqdaan kuwo ahmiyada koowaad siinaya ku barbaarinta ardayga akhlaaqda suuban, baranna dhaqankiisa iyo taariikhda dadkiisa iyo dalkiisa. Barayaashu waa inay had iyo jeer ku baraarug-sanaadaan mushkilada ay bulshada ku hayaan qabyaalada iyo quursiga, ayna ardayda ku barbaariyaan sinaan, walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Halkaan ka Akhriso Khudbada RW Saacid


Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Editorial Desk