Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Dadka ayaa loogu baaqey inay ka fogaadaan goobaha suurta-gal ah inay Al-Shabaab ka fuliso qaraxyada.
MUQDISHO, Soomaaliya - Digniin cusub ayaa laga soo saarey weeraro qaraxyo ah oo Al-Shabaab ay qorsheynayso inay ka fuliso Muqdisho, iyadoo Kooxda soo gelisay magaaladda labo baabuur oo walxo qarxa lagu soo xiray.
* Meelaha la bartilmaameedsan karo:
Hay'adda Socdaalka, Hotel Ma’ida, Hotel Xaawo Taako, Hotel Jazeera, Wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wadada Maka Almukarama, baraka koontarool ee laga ilaaliyo Villa Soomaaliya iyo NISA.
Taariikhaha suuragalka ah inay dhacaan qaraxyada: 05-08 Maarso, 2021.
* Faahfaahinta Gawaarida Qaraxyada:
1) Toyota SURF oo midab cad, Taago Number AH 2737
2) NOAH qalin ah, oo taargo Number yahay AH 5146
Waxaa digniintan laga helay xafiiska Qaramada Midoobey, waxaana dadka loogu baaqay inaysan tagin goobaha laga cabsi qabo inay weerarada ka dhacaan.
Qaraxyada ayaa waxaa suurtagal ah in loo soo qorsheeyay baanbaxa Mucaraadka ee sabtida ka dhici doono Daljirka Dahsoon, oo ku dhaw Madaxtooyadda, iyadoo Al-Shabaab ka faa'idaysanaya mashquulka isku imaatinka wayn.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments