Digniin loo jeediyay Dadka kasoo horjeesta Xukunka Maxkamadda Ciidanka {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida, Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa uga digay Shacabka inay dhigaan Dibadbax ka dhan ah Xukunada Maxkamadiisu gaarto.
Warar Keydmedia Online
Digniin loo jeediyay Dadka kasoo horjeesta Xukunka Maxkamadda Ciidanka {Dhageyso}

Isagoo ka jawaabayay Su'aal ah Waalidiin Soomaaliyeed oo dhawaan Dibadbax Cawasho ah oo ay uga oo ku aadanaa Xukunno ay Maxkamadda ku riday, kuna fulisay Caruur ay dhaleen, ayaa Maxamed Tuur-yare waxa uu yiri: "Annaga uma joogno Maxkmadda Cadaalad darro, ee waxaan Sharciga ku qaadnaa Denbiiliyaasha lasoo qabtay."

Maxamed Tuur-yare  wuxuu uga digay Dadka ku howlan inay sameeyaan Dibadbaaxyada looga soo horjeedo Xukunada ay ku rido Maxkamadaa Dhalinayarada lagu soo eedeeyay inay kamid yihiin Kooxda Al shabaab.

"Dadka mudaharaadaya waxay rabaa inay saamayn ku sameeyaan Cadaaladda Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee DFS, Cidii falkaasi lagu arko waxaan ula dhaqmaynaa sida Kooxda Al shabaab, waana uga digaaynaa Shacabka arrimahaasi," ayuu yri Maxamed Tuur-yare.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay akhriyaan Shuruucda dalka uu leeyahay, gaar ahaan Qodobka 283, Xeerka Ciqaabta kaasi oo Muwaadin kasta saaraya in uu soo sheego Falalka ka dhanka ah Amniga dalka.

Hadalka Maxamed Tuur-yare, ayaa imaanaya Maalmo kadib markii Maxkamaddiisa ay 6 Bilood oo Xabsi ah ku riday Aaabo la sheegay in uu dhalay Wiil kamid ahaa Kooxda Al shabaab oo Dil ka geestay Muqdisho, oo Xukun Dil ah lagu riday.

Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Mudooyinkii danbe lasoo baxday Xukunno Dil ah oo ay ku ridayso Dhalinayaro badan oo lagu eedeeyay Al shabaab inay katirsan yihiin, waxaana Xukunadaasi si weyn u caambaareeyay Hay'adaha Xuquuqda & Waalidiin badan oo Caruurtooda la toogtay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Tuuryare siiyay Goobjoog FM: