Diiwaangelinta Musharixiinta oo Maanta ka dhacaysa Kismaayo

Maamulka Axmed Madoobe ayaa noqday midkii ugu horeeyay oo billaaba doorashadda Aqalka Sare, oo saddex jeer dib u dhacday.

Warar Keydmedia Online
Diiwaangelinta Musharixiinta oo Maanta ka dhacaysa Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Gudiga doorashadda heer Dowlad Goboleed, ee Jubbaland ayaa Maanta diiwaangelinaya Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare, oo qaar kamida shalay Liiskooda uu shaaciyay Axmed Madoobe.

Waxaa is-diiwaangelinaya 9 Musharax oo u tartamaya afar Kursi oo kamida 8-da Kursi ee Jubbaland ka heshay Aqalka Sare, oo ka kooban 54 xubnood, waxaana la filayaa in doorashadda ay ka billaabato Khamiista berri ah magaaladda Kismaayo.

Afar Kursi ayaa laga sugayaa Axmed Madoobe inuu Musharaxiniintooda soo saaro, waxaana muuqata in siyaasigii aan xiriir wanaagsan kala dhaxaynin Madaxda Maamul Goboleedyada uusan kusoo baxaynin liiska.

Doorashadda Aqalka Sare waxaa loo gacan-geliyay Madaxweyniyaasha Maamul Goboleedyada, iyaga ayaa soo saaraya qofkii ay doonaan, iyagana ayaana awood loo siiyay inay ka celiyaan qofkii ay u baahdaan, taasina waxaa ka yimid tabasho iyo khilaaf badan.

Shuruudaha Musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya
  2. Dhimirkiisu dhan yahay
  3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.
  7. In uu haysto waraaqdda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federaal.
  8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-gelinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.
  9. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan Kun oo dollar) musharaxiinta raga iyo $10,000 (toban Kun oo dollar) musharaxiinta haweenka.
  10. Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Qabashada Tartanka Kuraasta Aqalka Sare

Ka dib marka ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federalka usoo gudbiyaan Guddiga Maamulka Doorashada ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federalka liiska musharaxiinta Aqalka Sare, lana hubiyo in ay u dhammeystiran yihiin dhammaan shuruudaha musharaxnimo, hubiyaanna qoondada haweenka 30%, GMDHDX waxay u gudbinayaan Guddoonka Baarlamaannada Dowaladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, si ay u qabtaan hannanka codeynta musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Federalka Soomaaliya, waxayna fududeynayaan hadal jeedinta musharixiinta Aqal Sare, iyadoo tartame kasta la siinayo 10 daqiiqo oo uu kaga hadlo taariikhdiisa iyo wax qabadkiisa kahor codeynta. Iyadoo ay goob-joog ka yihiin wakiillada guddiyada labada heer ee doorashada.

Natiijada ka soo baxda doorashada waxaa loo soo gudbinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federal, si ay u siiyaan shahaadaha xillibaannimadama. Ka dibna wuxuu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka Aqal Sare.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.