Dilal Qorsheysan oo Xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ayaa xalay siyaabo kala duwan lagu Dilay ugu yaraan Shan Qof.
Warar Keydmedia Online
Dilal Qorsheysan oo Xalay ka dhacay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa Xalay waxay weerar ku qaadeen guri ku yaal Isgoyska Baar ubax, waxeyna dileen Labo ruux kuna dhaawaceen Saddex kale. 

Lama oga sababta loo dilay Labadaas ruux, lakiin waxaa cad in Dilka uu ahaa mid Qorsheysan.

Ciidamada Nabadsugida ayaa dilay Labo ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee Weerarka qaaday.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ka tirsnaaayeen Shabaab, isla markaana ay weerareen nin horay uga tirsanaa Shabaab oo degenaa Baar ubax.

Labada Ruux oo la dilay ayaa Meydkooda Saakay lagu arkay agagaarka Suuqa Bakaaraha, iyadoo Saraakiisha sheegeen in ka hor inta aan la dilin ay diideen inay is dhiibaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho