Diyaarad sidday saraakiil sirdoon ah oo ku burburtay Bakool

Diyaarad Helicopter ah, oo ay leeyihiin ciidamada militariga Itoobiya, ayaa dhawaan ku dhacday Gobolka Bakool.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad sidday saraakiil sirdoon ah oo ku burburtay Bakool

XUDDUR, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in dhawaan ay halkaas ku dhacday diyaarad Helicopter ah, oo ay leeyihiin ciidamada militariga Itoobiya.

Diyaaradda aya cilladi qabsatay iyada oo dul mareysa xarunta Gobolka ee Xuddur, taas oo sababtay in ay gasho shil sababay qasaaro xooggan.

Ciidama militariga Itoobiya, ee ku sugan degmada, ayaa isku gadaamay goobta uu shiku ka dhacay, waxaana la arkayaa qiic xooggan oo ka baxa diyaaradda.

Ilo sirdoon, ayaa Keydmedia Online, u xaqiijiyay in duulimaadku ahaa mid khaas ah oo siday saddex saargaal oo ka tirsan sir-doonka Itoobiya iyo Ciidamo ka tirsan militariga dalkaas.

Sida la rumeysan yahay ciidamada ugu badan ee Itoobiya ka jooga Soomaaliya ayaa ku sugan degaannada maamulka Koofur galbeed, waxayna fariisimo kala duwan ku leeyihiin degaano dhaca gobollada Bay iyo Bakool.

Sida uu hore u sheegay Wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda, hadana ah, Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waa laba nuuc, marka laga yimaado labo kun oo AMISOM, kaga jirta Itoobiya, waxaa jira kumanaan danaha Itoobiya ka shaqeeya oo intooda badan ku sugan yihiin Bay iyo Bakool.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.