Dood dhexmartay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaan kamida Golaha Shacabka

Xildhibaan Fiqi oo warinaya sheeko dhex martay isaga iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS kaasoo kamida ahaa xildhibaanada muddo kororsiga u codeeyay.

Warar Keydmedia Online
Dood dhexmartay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaan kamida Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan ahna Wasiirka amniga gudaha ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay muddo kororsiga Golaha Shacabka ayaa wuxuu ka warramay sheeko dhex martay isaga iyo xildhibaan kamida kuwii u codeeyay muddo kororsigii hay'adaha dowladda iyo madaxweynaha.

Wasiir Fiqi ayaa yiri "Dood kooban ayaa na dhex martay Xildhibaan ka mid ah kuwa taageersan muddo isu kordhinta ku dhawaaqay, waxaan weydiiyey maxaad u codaysay? Wuxuu iigu jawaabay doorasho qof iyo cod ah ayaan rabnaa in ay dalka ka dhacdo! waxaan ku celiyey deegaan doorashaadii ma tagi kartaa? Wuxuu yiri maya inta madaxweyne hebel uu joogo!

Waxaan anigoo la yaaban ku iri haddaba maxaad dadka u habaabinaysaa haddii aadan aaminsanayn waxaad u codaysay? Wuxuu yiri sababta aan u codeeyayba waxay ahayd inaan xaqiiqsaday inaanan kursi ka soo heleyn gobolkaygii iyo dadkaygii!

Sheekadu waxay ku soo uruurtay dad aan isku kalsoonayn, oo haddana cabsi ka qaba in aysan soo noqonayn oo isla qaaday hees cusub oo la yiraahdo (mar kale barlamaanow mar kale, joogisteenaa noo muhiimee mar kale iyo aabow adna mar kale)." 

Wasiir Fiqi ayaa ugu dambeyn doodda kaddib ku tala bixiyay in la is daba-qabto, taladana lagu darsadao in dalka la badbaadiyo waxa uuna sii raaciyay "Dalku wuxuu galay mugdi weyn oo siyaasadeed, waxaana haboon inta aan hoos loo sii maquuran waxaa dhow meeshii laga soo galaye in dib loogu celiyo todobaad ka hor halka uu xaalku joogay iyo teendhadii caddayd ee Afisyoone"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].