Doorashadii HirShabeelle oo u istaagtay rabitaan shaqsi

Waxay labada mas'uul ee ugu sareysa maamulka ay isku qabteen kuraasta Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaaaladda Jowhar, ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Doorashadii HirShabeelle oo u istaagtay rabitaan shaqsi

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeella Cali Guudlaawe ayaa lagu eedeeyay inuu qaab musuq maasuq ah u wado doorashadda kuraasta Aqalka Sare, ee Jowhar.

Ku xigeenkiisa Yuusuf Daba-Geed ayaa sheegay in Guudlaawe uu soo saarayo Musharixiinta isaga uu rabo, islamarkaana afduub ku haysto Xildhibaanada wax dooranaya ee HirShabeelle.

Eedeynta ayaa timid kadib doorashadii 18-kii bishan ka dhacday Jowhar, taasoo gacanta la iskula tagey kadib markii Musharixii uu watey Cali Guudlaawe C/qaadir Xanafi uu ka adkaadey musharaxii Daba-Geed Cali Shacbaan.

Fowdo ayaa ka dhacday hoolka, iyadoo nalalka la demiyay, oo Xildhibaanada dagaal ka dhex qarxay, waxaana markii dambe soo farageliyay Ciidanka Burundi, oo xaaladda dejiyay, waxaana lagu dhawaaaqay in Cali Shacbaan looga adkaadey doorashadda, taasoo ka careysiiyay Daba-Geed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isaga xanaaqsan ka cararay Jowhar, wuxuuna aaday Beledweyne, iyadoo ay joogsatay doorashaddii Kuraasta dhiman ee la filayay in lasoo afjaro maanta illaa berri oo Axad ah.

Horey waxaa Guudlaawe loogu amaaney inuu furay tartanka, oo qabanayo doorasho hufan, laakiin waxaa hadda oo baxaya eedeymo musuq-maasuq iyo nin jeclaysi loo soo jeediyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.